Aad bey Dhagaheenu u Maqlayaan Erayada IT ama Information Technology,Waxa aynu Arkeynaa dad badan oo ka soo Qalin Jebiyey Barashada Culuumka Kombuuterka ama Wakhtigan u Diyaar ah in ay Bartaan.Jaamacadaha iyo Dugsiyada waxa la dooranayaan Madooyinka dalabka leh isla markaasina Suuqa Shaqo lagaga heli karo.Inkasta oo Takhasusaadku inta ka badan yahay Haddana Tirada ugu badan ee Ardeyda somaliland waxa ay Gashaa Faculty of Business iyo ICT.Dad badan oo aan Fahansaneyn Macnaha iyo Erayga ICT ama Information Technology Ayaa Dhiganaya ama Iskaga Biiraya,Jaceylka loo qabo iyo Iyada oo loo Fahmey in haddii aad Noqoto IT Culture in aanad Shaqo Waayi doonin.Markaad Wadankeena Maanta eegto Ma la odhan karaa Fursad aad u qaali ah iyo Dalab la xidhiidha Baahi loo Qabo IT Professionals Ayaa ka taagan.
Wadankeenu ma leeyahay Shirkado badan oo Adeegsanaya ama Isticmalaya Barnaamijyo la xidhiidha Culuumta computers oo IT ah.Ardeyda Dhiganeysa IT ma og yihiin Maadada ay Dhiganayaan sida iyo Habka shaqo ee loogu baahan yahay waxna ay kaga heli karaan Shirkadaha iyo Xarumaha Adeegsada IT.IT wey badan tahay Marka ma tahay in aad meesha iyo Qeybta aad xiiseyso aad u dabo gasho kuna takhasusto,Dhinaca kale Markaad IT Dhiganeyso waa in aad eegtaa sida iyo habka shaqo ee Suuqa looga baahan yahay ama looga isticmaalo.Barashada Culuumta IT ayaa ah mid Meelo badan Qaali ku ah kuna soo Xigta Doctors and Engineers.In lagu aamino oo aad Noqoto qof Shirkad ama Xafiis ugu Shaqeeya IT ayaana ah mid Tijaabo u baahan wakhtina kugu Qaadaneysa.Inta badan Dad Didabaha ku soo Bartey iyo Dad Ajahanib shaqaalle Asian ah Ayaa ka shaqeeya oo door muhiim ah ka qaata Shaqooyinka ka socda Somaliland ee Shirkadaha iyo Xafiisaadka kale lana Xidhiidha IT.Iyada oo ay Sidasi tahay haddana waxa ku lamaan oo ka Hawlgala wadanka Somalilanders IT man ah oo Xirfad Dhab ah u leh ICT.
Waxa la tilmami karaa in Wakhtigan wadanku Isbedel ka sameynayo Dhinacyo badan oo la xidhiidha Hagaajinta iyo Nidaminta Shaqooyinka Xafiisaadka ka socda.Isticmaalka Computers iyo Barnaamijyo lagu shaqeeyo Ayaa aad uga soo Dhaqangelaya,Waxana la arki karaa iyada oo Meelo badan laguugu shaqeynaayo Computer,Diiwangelinta iyo Daabicida Shaqada lagu wado.Isku xidhka iyo wada Socoshada ama wada shaqeynta iyo wada Xidhiidhida meelkasta oo aad kala joogtaan shaqaalaha ama xafiisaadka kala duwan,iyo la socoshada Macamiisha iyo Saamileyda intaba Ayaa Isticmaalka IT ay dadka u sahashey.
Sida Qalabka IT meelkasta u Yaalo Ayaa barnaamijyo badan oo lagu Shaqeeyana loo keenay,Somaliland waa wadan Technology Ay xor tahay Xaga isgaadhsiinta iyo iwm.Nidaam Bangi Isticmalaya Technologyad casri ah oo lacagtaada aad kula socota Keydna lagugu sameeyo Ayaa ka shaqeeya si gaar ah.Mana Jirto Dawlad maamusha ama faraha ku heysa Technologyga wadanka iyo sida loo Isticmaalayo,Maxaa Yeelay 21sanno ee ugu danbeeyey wasaarada boostada iyo isgaadhsiintu marna Shaqadii laga sugaayey wadanka umey Qabanin.
Sida Jidhka aadamigu uga kooban yahay Xubno iyo qeybo kala duwan oo hadana wada Shaqeyni ka dhaxeyso Ayaa shaqada iyo IT ay uga dhaxeysaa xidhiidh.Waxa la sameyey IT lacagta lagu ilaaliyo,Mid Shaqaallaha lagu ilaaliyo,Mid Suuqa iyo Qiimaha lagula socdo iwm.Shaqo kasta IT u diyaar ah ayaa loo adeegsanayaa.Shirkad kastaa Nooca ay rabto iyo Mid ku saleysan baahideeda Ayey adeegsaneysaa.Waxase Su,aal is weydiin leh in aad fahanto Qeybta IT ee aad rabto in aad ku Takhasusto ama aad ka shaqeyn karto.in aad Fahanto Dhaqdhaqaaqa iyo Baahida shaqo ee La xidhiidha Sida loo Isticmaali karo IT ka dibna aad waafajiso Barashadaada Ayaa ku sugeysa.
In aad Noqoto qof sameeya ama Developer System ama Software Noqda waxa ka Horeysa in aad horta barato sida loogu Shaqeeyo,waase Mid sugeysa Qofka IT ah.Dad kooban ayaa lagu sheegaa in ay Sameyaan oo ay Dejiyaan Nidaam iyo Barnaamij computer oo lagu shaqeeyo oo somalilanders ah,Waxa badan dadka barta kuna Shaqeeya,Waxana yar kuwa barta,Sameeya kuna Shaqeeya.Dhaqaalaha oo Koboc sameynaya iyo Baahi daruuri ah Ayaana sababta in Xaruntu iibsato ama loo sameeyo Software u gaar ah.Google Ayaana inoogu Deeqay Softwares Free Download ah oo aad baran karto.
Macalimiinta ICT ama Barashada Culuumta Computers Bartey ama ka qalin Jebiyey Ayaana dalab badan ku heysta Suuqa iyo Macalinimada intaba oo rumeysan in ay barteen Xirfad muhiim u ah Shaqada iyo Baahiyaha taagan intaba.Weyse Jiraan dad Magaca IT ku qadhaabta oo aan aqoon badna u laheyn,laakiin wax dhaama aan la heynin.
Barashada IT ama Culuumta Computers oo Heer Machad ama Institute ilaa Heer Jaamacadeed socota Ayaana wadanka ka socota.70% Dadka suuqa Buuxa ee wax dhiganayaaa waa Luqadaha,20% waxa suurta gal ah in ay IT yihiin inta kalena waa waxbarashada kale.
Qofku in uu Xirfad Practical oo ah waxqabad Muuqda bartaa aad bey ugu fiican tahay,Shaqaduna waxa ay Mustaqbalka kaaga soo uruuri doontaa intaad ka taqaano Computerka ama ku shaqeyn kartaba,Xitaa imtixanada Ayaa lagaaga qaadi doonaa oo aad ku geli doontaa Computers.
Courseyada inta badna Jaamacada ama Suuqa lagu Dhigto ee IT ah.
Office Applications,Software
Hardware
Networking
Database
Web designing
Programming
Accounting Softwares
Multimedia and Photoshop,Editing
Autocard………….Etc
Courseyadu intani wey ka badan Yihiin,Hase ahate intani waa kuwa ugu Caansan.In aad laptop Sidato ama leedahayna kuma Noqon kartid IT man.Hargeisna weli Excel iyo Word Ayaa aad loogu shaqeeyaa oo kugu filan markaad meelo badan eegto.waaa maxay technology
